FB IMG 1640499910491 - Wardeeq news

Boqolaal Ruux oo shacab ah ayaa Maanta Banaanbax xooggan ka dhigay Xaafado kamid ah degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dadka oo banaanbaxa kasoo bilaabay Xaafada Xaawa Casir ee degmada Kaaraan ayaa kusoo geba-gabeeyay agagaarka Saldhiga Kaaraan, iyaga oo ka cabanaya dagaalada soo laab laabtay ee u dhaxeeya Ciidamada Millateriga.

Sigaar ah dadka waxaa ay walwal ka muujinayaan dagaalka shalay soo bilaawday ee u dhaxeeya Janeraal Saneey iyo Korneyl Masdile, kuwaas oo xiisad u dhaxeeysa ay weli ka taagan tahay duleedka degmada Kaaraan.

Dibadbaxayaasha ayaa wadada laamiga ah ku gubay lugaha baabuurta, waxaana intii uu dibadbaxa socday istaagay isku socodka dadka Gaadiidka iyo Ganacsiga intaba.

Degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir ayaa dadka ku nool waxaa bilihii la soo dhaafay ay ka cabanayeen Kooxo hubeysan iyo dhalinyaro Ciyaal Weero ah, kuwaas oo dadka dilaya kadibna dhac u geeysanaya.

Verified by MonsterInsights