Sunday, January 23, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Beellihii ku dagaallamay oo gaaray heshiis ka kooban Afar Qodob

Beellihii ku dagaallamay oo gaaray heshiis ka kooban Afar Qodob

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka & Dimuqraadiyeynta maamulka Puntland ayaa fududeysay Shirka nabadaynta iyo dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Saax-maygaag.

Gogosha oo uu dhigay, daahna furay Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maantay ka qabsoontay deegaanka Harwanaag, kaas oo ay ka soo qayb galeen Isimo, Nabadoono, Siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Federaalka. Shirka waxaa laga soo saaray  go’aamo gundhig iyo tiir u ah nabadda iyo wada noolaashaha beelaha walaalaha ah.

Go’aamadaas oo ka kooban afar qodob ayaa kala ah.

1.Xabad joojin rasmiya oo la dhex dhigay beelihii dirirtu dhex martay.

2.kala rarista ciidamadii dirirtu dhex martay.

3.In dowladu la wareegto amniga deegaanka lagu diriray.

4.Dowladdu waxay magacaabaysaa guddi kormeera hirgelinta go’aanada shirka.

5.In ciddii jebisa heshiiska lagu ganaaxo 200 oo halaad oo aan wakhti lahayn.

RELATED ARTICLES

Diyaaradda Airbus ayaa baabi’isay heshiis dhan 6 bilyan oo dollar oo ay kula jirtay Qatar Airways kadib dagaal rinji ah

Airbus ayaa kansashay heshiis ay Qatar Airways kula gashay $6bn oo ah 50 ka mid ah diyaaradaheeda cusub ee A321neo ee rakaabka ah, taasoo...

Mareykanka ayaa hakiyay duullimaadyadii ay sameyn jireen shirkadaha xamuulka qaada ee Shiinaha ka dib markii ay dhaqaaqday Beijing COVID

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay joojineyso 44 duullimaad oo Shiinaha ka imaanayay Mareykanka oo ay wadeen afar shirkadood oo Shiinees ah, taasoo jawaab u...

Banaanbax lagu taageerayo qadiyada Somaliland oo gobolka Sanaag ka dhacay.

Bulshada ku dhaqan Gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo ayaa saaka isku soo bax balaadhan oo ay ku taageerayaan qadiyada Somaliland iskugu baxay waxaana kala...