Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka BOOLIISKA HARAMCAD OO GADOOD KA SAMEEYAY MAGAALADA JOWHAR

BOOLIISKA HARAMCAD OO GADOOD KA SAMEEYAY MAGAALADA JOWHAR



Ciidamo ka tirsan kuwa sida-gaarka ah u tobabaran ee Haramcad ee ku sugnaa magaalada  Johwar ee caasimada maamulka HirShabeelle ayaa maanta sameeyay gadood.

Ciidamada oo dalbanayey in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho ayaa gebi ahaanba xirtay waddooyin muhiim ah oo ku yaalla magaalada, taasi oo muhiim u ah isku socodkii dadka iyo gaadiidka, ayaga oo mararka qaarna ridayay rasaas goos-goos ah.

Ciidamada ayaa markii hore laga soo qaaday Muqdisho xilligii ay dhaceysay doorashada madaxda maamulka HirShabeelle, waxayna hadda dalbanayeen in caasimada dib loogu celiyo si ehelladooda iyo xaasaskooda uga war–qabaan.

Ciidamada gadoodka sameeynayey ayaa khal-khal amni ka abuuray gudaha magaalada, kuwaasi oo saameyn xoogan ku yeeshay ganacsiga iyo isku-socodka, sida ay qaar kamid ah dadka deegaanka u sheegen wardeeq news



Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada gadoodka sameeyay oo saacado kala xirtay magaalada dib loogu celiyay xeryahooda, kadib markii ay la kulmeen saraakiil sar-sare oo ciidanka.

Lama oga illaa hadda in saraakiisha ay ka aqbaleen dalabka ciidamada gadoodka dhigayay iyo in is-faham kale laga gaaray xiisada, sidaasina ay ugu noqdeen xeryahoodii.



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...