Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Booliska Gobalka Al-Qasaarif Ee Bariga Suudan, Una Dhow Xuduudka Ethiopia Ayaa Waxaa...

Booliska Gobalka Al-Qasaarif Ee Bariga Suudan, Una Dhow Xuduudka Ethiopia Ayaa Waxaa Ay Gacanta Ku Dhigeen 23 Muhaajiriin Ah

23 Muhaajiriin Soomaali iyo 56 Haween Muhaajiriin Ethiopian ah.

Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay in Muhaajiriinta Soomaalida ka kooban yihiin 18 Dhallinyaro rag ah, 2 Haween iyo 3 carruur ah.

Muhaajiriinta Soomaalida waxaa la sheegay inay ka soo tahriibeen Somalia, iyagoo soo maray Ethiopia, ka hor inaysan Boliska Sudan ku qabanin Xuduudka.

Tahriibayaasha Soomaalida oo ku safrayey 2 Bas waxaa lala qabtay 3 Nin oo Sudanese ah, kuwaasi oo looga shakisan yahay Mukhalasiintii tahriibinaysay Muhaajiriinta Soomaalida ee la qabtay.

Dhinaca kale, Booliska Suudan waxay gacanta ku dhigeen 56 Haween Muhaajiriin Ethiopian ah, kuwaasi oo gaari kaga soo gudbay Xuduudka Sudan la wadaagto Ethiopia.

Haweenka Ethiopianka ayaa waxaa iyaga lagu qabtay Gobalka Umu Cadaraat ee Bariga Sudan. Boliska waxay tilmaameen inay Muhaajiriinta qorsheynayeen inay Sudan kaga sii gudbaan dhulka Saxaraha ama Lama-deegaanka ee Libiya.

RELATED ARTICLES

Jofra Archer ayaa meesha ka saaray T20 Koobkii Adduunka iyo Dambas isagoo jabtay suxulka midig

Jofra Archer oo ah kubbad -yaqaanka dheereeya ee England ayaa seegi doona Koobka Adduunka ee T20 iyo Dambaskii Australia ka dib markii uu soo...

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Twitter Feed