Friday, January 28, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Booliska Kenya oo baadi goobaya Ganacsade Soomaali la la’yahay

Booliska Kenya oo baadi goobaya Ganacsade Soomaali la la’yahay

Waxaa la la’yahay ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Xasan kaas oo 23-kii bishan laga afduubtay duukaankiisa oo ku yaalla magaalada Machakos oo aan sidaa uga fogeyn Nairobi, sida ay ku warrantay warbaahinta Citizen.

Booliska Kenya ayaa haatan baarayaa dhacdadan.

Qoyska ganacsadahan oo warbaahintan la hadlay ayaa dowladda ka codsaday inay ka caawiso dadaallada lagu baadigoobayo ganacsadaha maqan.

Waxaana laga shakisan yahay in ganacsadaha ay la tageen shakhsiyaad la sheegay inay sameynayeen howlgal ka dhan ah dad aan u hoggaansamin tallaabooyinka ka hortagga cudurka Karona.

“Markii ay goobta yimaadeen shaqsiyaad la sheegay inay sameeyeen howlgalka dhaqangelinta tallaabooyinka ka hortagga Covid-19, waxay dadka weydinayeen afsaabka,, dhammaan dadkii aanan maaskarada wey baxsadeen, waxay ceyrsadeen Maxamed oo markii dambe ay qabteen dukaankiisa” ayuu yiri Cumar Xasan oo la dhashay ganacsadaha xilli uu wareysi siinayay The Citizen.

RELATED ARTICLES

Xiisadda Ukraine: Ruushku waxay rajeynayaan nabad sida wadahadalka adduunka ee dagaalka

Magacyada hore oo kaliya ayaa loo adeegsaday xaaladaha qaarkood si loo ilaaliyo aqoonsiga. Ma jiro qof Ruushka jooga oo raba dagaal, ayay tidhi Ekaterina,...

Jarmalku waxa uu saynisyahan Ruush ah ku tijaabiyay basaasiinta tignoolajiyada hawada sare

Saynisyahan Ruush ah oo ka shaqaynayay jaamacad Jarmal ah oo sannadkii hore loo xidhay basaasnimada Ruushka ayaa la wadaagay macluumaadka ku saabsan barnaamijka gantaalaha...

Musk gantaal hawada sare ah oo ku socda koorsada isku dhaca dayaxa

Qayb ka mid ah gantaalada SpaceX ee qarxiyay todobo sano ka hor oo hawada sare lagaga tagay ka dib markii uu dhamaystay hawshiisa ayaa...