Thursday, December 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Booliska oo Ka Hadlay Khasaaraha Qaraxa Muqdisho

Booliska oo Ka Hadlay Khasaaraha Qaraxa Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay qaraxii saakay Ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Qoraalka kasoo baxay taliska Booliska Soomaliya ayaa loogu hadlay qaraxa Dhacay.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa oo gaari loo adeegsaday uu ka dhacay saakay xaafadda Taleex ee Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeee ayaa qoraal uu soo dhigay ku sheegay in qaraxa lala damacsanaa gaadiid ka mid ah kuwa ilaaliya UN-ka oo goobta marayey 8-ruux ayuu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 17-kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaas.

“25-11-2021 abaaro 07:32 hrs  waxaa Qarax gaari ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Tarabuunka iyo  Guriga Ex.M. Cabdiqaasim gaar ahaan Afaafka Hore Ee Iskuulka Mocaas oo kuyaala kasoo horjeedka Dugsi sar Banaadir

Gaariga Qarxay Noociisu waa Surf  kana yimid dhanka Tarbuunka  taarget.ka wuxuu ahaa Baabuurta waardiyeysa UN.ka ee Looyaqaano Duguf Security Qasaaruhuna  ay Turakoobeen Boliisku waa 8 Dhimasho ah iyo 17 Dhaawac ah”,ayuu yiri Afhayeenka.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...