Friday, January 28, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay ka dhaceen falal Amni darro.

Ciidamada ayaa howlgalkooda waxaa ay ku baarayeen gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee waddooyinka isticmaalaya, halka qaarkood ay ka fiiqayeen muraayadaha madoow ee loo yaqaan (Bensalka).

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska somaliland ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in ujeedka howlgalka uu yahay sidii amniga loo xaqiijin lahaa loogana hortegi lahaa falalka amni darro.

Saraakiishu ma sheegin waxyaabo ay kusoo qabteen howlgalka, balse waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada habeenkii ah sida,nkaas oo ku saabsan sidii looga hortegi lahaa kuwa amni darrada ka wada Magaalada laas-Caanood ee Gobolka Sool.

Dhawaan ayay aheyd markii weerar bambaano lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen askar ka tirsan Booliska Somaliland walow babkaas uusan geysan wax qasaaro ah.

RELATED ARTICLES

Xiisadda Ukraine: Ruushku waxay rajeynayaan nabad sida wadahadalka adduunka ee dagaalka

Magacyada hore oo kaliya ayaa loo adeegsaday xaaladaha qaarkood si loo ilaaliyo aqoonsiga. Ma jiro qof Ruushka jooga oo raba dagaal, ayay tidhi Ekaterina,...

Jarmalku waxa uu saynisyahan Ruush ah ku tijaabiyay basaasiinta tignoolajiyada hawada sare

Saynisyahan Ruush ah oo ka shaqaynayay jaamacad Jarmal ah oo sannadkii hore loo xidhay basaasnimada Ruushka ayaa la wadaagay macluumaadka ku saabsan barnaamijka gantaalaha...

Musk gantaal hawada sare ah oo ku socda koorsada isku dhaca dayaxa

Qayb ka mid ah gantaalada SpaceX ee qarxiyay todobo sano ka hor oo hawada sare lagaga tagay ka dib markii uu dhamaystay hawshiisa ayaa...