Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Booliska Soomaaliya Oo Gacanta Ku Dhigay Eedeysanayaan Lagu Tuhmayo Inay Ka Dambeeyeen...

Booliska Soomaaliya Oo Gacanta Ku Dhigay Eedeysanayaan Lagu Tuhmayo Inay Ka Dambeeyeen Gabar Yar Oo Nolosha Lagu Gubay

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeee, ayaa gacanta ku soo dhigay, dhamaan eedeysanayaashii la rumeysanyahay in ay dhibaateeyeen UBAX IBRAAHIM CABDULAAHI.
Ubax, ayaa lagula kacay falal bini’aadanimada ka baxsan, Diinteena iyo shuruucda kale ee dalka ayaa damaanad qaaday, Sharafta, Karaamada iyo Xushmada Muwaadinka Soomaaliyeed.
Eedeysaneyaasha ayaan dhawaan idinla wadaagidoonaa iyo faahfaahin la xariirta sida wax u dhaceen ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ciidamada booliska soomaaliyeed
Ubax ayaa waxa la sheegay in gubis iyo garaacis ay iskugu dartay haweeney uu u keenay aabaheed

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Cadaaladda la horkeeni doono dadkii ka dembeeyey dhibaateynta Ubax Ibraahim Cabdullaahi.

Ubax Ibraahim Cabdullaahi oo 15 sano jir ah waxay la dhultaallaa dhibaatooyin isugu jira jirdil, gubis iyo in labada gacmood looga xiray sil sillad sida ay Warbaahinta Qaranka u sheegeen dhaqaatiirta gacanta ku haysa kiiskeeda ee Isbitaalka Madiina ka howlgala.

Qoyska Ubax ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dhaawacyada ku yaala jirkeeda ay yihiin kuwa dhammaan uu wada dhaawacanyahay oo ay kula kacday haweeney uu u geeyey Aabaheed, taas oo si arxan daro ah nolosha ugu ciqaabtay dhibane Ubax.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho waxay ku booqdeen Ubax Ibraahim Cabdullaahi, waxaana la joogtay  Hooyadeed oo dhaawaceeda loogu geeyey Gobolka Gedo oo markii horaba gabadhaan ay ku soo kortay.

Raxmo Maxamed Muxumad oo ah Hooyada dhashay Ubax waxay u sheegtay mas’uuliyiinta in dhaawacyada ku yaala gabadheeda ay u sabeen hurdo la’aan habeen iyo maalin ah.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u sheegay Ubax oo dhibane u ah dhaawacyo ay u geysteen dad ehelkeeda ah inay heli doonto cadaalad, isla markaana sharciga la marsiin doono dadkii ka dembeeyey falkaan ka baxsan beni’aadannimada

Ugu dembayntii howlgal ay ka sameeyeen ciidamada amaanka ayaa lagu soo qabtay qaar ka mid ah eedeysanayaal lagu tuhunsan yahay inay wax ka ogaayeen falkaan xanuunka badan ee la gula kacay Ubax Ibraahim Cabdullaahi

RELATED ARTICLES

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Diyaaradaha Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay koonfurta Lubnaan

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ku qaaday dalka ay dariska yihiin ee Lubnaan ka dib markii maalintii labaad gantaal laga soo...

Twitter Feed