Monday, May 10, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Cali Guudlaawe Oo Xalay Kulan La Qaatay Xasan Sheekh

Cali Guudlaawe Oo Xalay Kulan La Qaatay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Xalay kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku booqday hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda Cakiran ee dalka iyo dagaaladii u dhexeeyay Ciidanka dowladda & kuwo Milateriga ee kasoo horjeeda muddo kororsiga Farmaajo iyo sidii looga shaqeyn lahaa nabada, xasiloonida.

Inta uu socday kulanka dhexmaray Cali Guudlaawe iyo Xasan Sheekh ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday Go’aankii galabta maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug uga soo horjeesteen muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo.

Madaxweynihii hore ayaa Cali Guudlaawe iyo Axmed Qoorqoor uga mahadceliyay Go’aankii ay qeeteen, isla markaana Guudlaawe uu kula taliyey inuu ka qeyb noqdo dadaalka loogu jiro sidii dalka uga dhici laheyd doorasho heshiis lagu wada yahay.

Kulankaan dhexmaray Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo isbedel siyaasadeed la galay, kadib markii Qoorqoor, Lafta-gareen iyo Guudlaawe ay kasoo horjeesteen muddo kororiga Farmaajo, uuna taageeray Go’aankooda Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

RELATED ARTICLES

Wararkii Ugu Dambeeyay ismiidaamin Xalay Ka Dhacday Muqdisho

Faah faahin ayaa ka soo baxeysa weerar ismiidaamin ahaa oo xalay ka dhacay wadada mashquulka badan Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho. Nin isa soo...

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Wararka aan ka heleyno degmada Sagag ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas uu ka dhacay qaraxa khasaaro...

Taliye Saldhig Boolis Oo Ku Geeriyooday Qaraxii Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Xooggan ayaa Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana Jugta iyo rasaas goos goos ah oo daba socotay Qaraxa laga maqlay...

Facebook Feed

Twitter Feed