Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Carruur Yaryar Oo Ku Geeriyootay Gaari Ay Ku Dhex Caburmeen

Carruur Yaryar Oo Ku Geeriyootay Gaari Ay Ku Dhex Caburmeen



Ciidanka Booliska dalka Iraaq ayaa sheegay in 2 wiil iyo gabar Walaalo ah ay ku neef qabitoomeen gaari looga dhex tegay.

Dhacdadaasi ayaa waxaa ay Maanta ka dhacday Xaafadda Albaladiyah ee Magaalaada Baqdaad, iyadoo Waalidka carruurtaasi kaga dhex tegay gaarigiisa oo daaqadaha u xirnaayeen, xilli uu kuleyl daran Maanta ka jiray Caasimadda Baqdaad.

Waalidka ayaa dayacay Carruurta oo uu keligooda ku dhex xiray gaarigiisa, iyadoo aysan dad ka da’ weyn ku wehlinin gaariga looga dhex tegay. Carruurtaasi waxay da’deeda kala aheyd 2 jir iyo 3 jir.

Baaritaanka hordhaca ee Ciiddanka Ammaanka ayaa muujinaya inay Carruurta u geeriyoodeen kuleylka ay xamili waayeen, iyadoo Mukayfja ama Air Conditioner-ka gaariga dansanaa, daaqaduhuna ay wada xirnaayeen.

Dadka kunool Caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad ayaa siweyn uga naxay dhacadaan markii maqleen, isla markaana waxaa baraha Bulshada hareysay falcelinta dadka Ciraaqiyiinta ee la xiriirta dayaca carruurtaasi u geeriyoodeen



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...