Monday, May 10, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka caruur uu dhalay xildhibaan hore oo Meydadka saaka laga helay Magalada Baydhabo

caruur uu dhalay xildhibaan hore oo Meydadka saaka laga helay Magalada Baydhabo

Meydadka labo caruur ah oo uu dhalay xildhibaan hore Sheekh Aweys Cabdullaahi oo ka tirsanaa baarlamaankii Soomaaliya ayaa saaka laga helay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed  somaliya

Caruurtan oo la waayey shalay, xilli loo diray Dugsi Qur’aan ayaa lagu soo warrmayaa in dib loo helay, iyaga oo meyd ah, isla-markaana loo dilay si arxan darro ah.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta Madaxa banan ee wardeeq news ayaa sheegay in caruurtaasi oo kala ahaa gabar iyo wiil lagala baxay kilyaha iyo beerka, kadib qaliin lagu sameeyey.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhacdadani naxtinta leh ay dadka ku abuurtay wal-wal iyo walaac aad u xoogan, taas oo si aad ah looga hadal hayo magaalada Baydhabo.

“Walaalayaal waxaan aad uga naxay geerida lama filaanka ah ee caruurta yar ee walaalaha ah, Arbacadii shalay waxay aadeen Dugsi Qur’aan kadib waa lawaayay, waxaa la sheegayaa in saaka aroortii hore ayagoo meyd ah laga heley hareeraha magaalada, waxaana la sheegey in qayb jirkooda kamid ah (kiliyaha/beerka) ay maqan yihiin, ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Dhinaca kale laamaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyey falkaasi.

Waa dhacdo ugub ku ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana dadka deegaanka ay si weyn u cambaareeyeen falkaasi arxan darrada ee lagula kacay caruurtaasi.

RELATED ARTICLES

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Wararka aan ka heleyno degmada Sagag ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas uu ka dhacay qaraxa khasaaro...

Taliye Saldhig Boolis Oo Ku Geeriyooday Qaraxii Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Xooggan ayaa Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana Jugta iyo rasaas goos goos ah oo daba socotay Qaraxa laga maqlay...

Ciidanka Xooga Oo Hawlgalo Ka Fuliyay Degaanno Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 5-aad Qeybta 27-aad oo saacadihii la soo dhaafay  howgallo ka sameeyay Tuulada Quulaale oo u dhexeyasa Deegaanka Cali...

Facebook Feed

Twitter Feed