Ciidanka Booliiska Gaarka ah ee K/Galbeed oo Gunaanaday Tababar ku Aaddanaa Sirdoonka iyo Walxaha Qarxa

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maanta loo soo xiray tababar heer sare ah oo ku saabsanaa hoggaaminta, sirdoonka, ka hortagga walxaha qarxa (IEDs) iyo farsamooyin amni oo casri ah. Tababarkan oo lagu qabtay Taliska Kulliyadda Leyli Saraakiisha ee Turkisom ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda, xirfadda iyo kartida hoggaamineed ee saraakiisha amniga. Waxaana tababarkan iska kaashaday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga, iyadoo diiradda la saaray horumarinta tayada ciidanka iyo tayeynta habraacyada amni ee casriga ah. Tababarkan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo sugidda amniga, nabadgelyada bulshada iyo…

Continue reading

Aqoon-isweydaarsi ku Aaddanaa Iskaashiga Hay’adaha Xilliyada Degdegga oo la Soo Gabagabeeyay

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa soo xiray aqoon-isweydaarsi hal maalin ah oo ku saabsanaa habraaca xiriirka hay’adaha dowladda xilliyada xaaladaha degdegga ah.   Aqoon-isweydaarsigan waxaa furay Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda, Maxamed Amiin Sheekh Cismaan, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin u qaabilsan xiriirka iyo warbaahinta hay’adaha dowladda. Intii uu socday, waxaa la soo bandhigay tusaalooyin iyo tijaabooyin la xiriira hab-maamulka farriimaha degdegga ah.   Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sheegay in dowladda mudnaan gaar ah siisay mideynta farriimaha ka soo baxaya hay’adaha, si ay u noqdaan kuwo degdeg ah, sugan, isla markaana xambaarsan xogaha ay shacabku…

Continue reading

Wasiirka Amniga K/Galbeed oo Dardargeliyay Qorshaha Sugidda Amniga Baydhabo

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Hassan Abduqaadir Mohamed, ayaa Gudoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayey xaqiijinta iyo xoojinta amniga magaalada Baydhabo.   Shirka oo ay ka qeyb galeen Gudoomiyaha Degmada Baydhabo iyo saraakiisha laamaha ammaanka ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta qorsheyaasha sugidda amniga, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan, iyo ka hortagga falalka lidka ku ah nabadgelyada.   Wasiirka ayaa faray laamaha ammaanka in ay laba laaban dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaalada, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada si loo helo xog sugan oo ka hortagta khataraha amni. Waxa uu sidoo kale adkeeyey…

Continue reading

Duqa Magaalada Baraawe oo Maanta Dib ugu Soo Noqday Degmada

Guddoomiyaha Degmada Baraawe ahna Duqa Magaalada Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baraawe, kadib safar shaqo oo uu maalmahan ku maqnaa.   Guddoomiyaha ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Baraawe saraakiisha amniga degmada, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo haweenka degmada.   Imashaha Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha cusub ee Nabad Sugidda Degmada Baraawe, Taliye Maxamed Cumar Maxamed, oo isna si rasmi ah ula yimid Guddoomiyaha, taasoo muujinaysa xoojinta wada shaqeynta amniga iyo maamulka degmada.   Mas’uuliyiinta iyo bulshada soo dhaweynta ka qeyb…

Continue reading

Burco: Masuuliyiin ka Tirsan Dowladda Hoose oo La Geeyay Saldhigga Dhexe

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Somaliland ayaa xabsi dhexe ee magaalada Burco u taxaabay toddoba masuul oo ka tirsan Dawladda Hoose ee Degmada Burco, kuwaas oo lagu eedeeyey lunsi hantiyeed. Masuuliyiinta la xidhay oo uu magacyadooda baahiyay Xafiiska Hanti Dhawrka Guud ayaa kala ah: 1. Amiin Cabdillaahi Yaasiin – Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose Degmada Burco 2. Diiriye Sugaal Rooble – Madaxdii Jaangoynta Dhulka. 3. Cabdillaahi Muuse Maxamed – Xisaabiyihii Dawladda Hoose Burco. 4. Maxamed Xaaji Muuse Shire – Joomitir. 5. Faarax Muuse Siciid – Joomitir 6. Cabdicasiis Jaamac Ismaaciil – Madaxa Iibka Dawladda Hoose Burco. 7. Maxamed Cali Xirsi –…

Continue reading

Xasan Sheekh: Sacuudiga iyo Saaxiibadiisa Waxaan Iska Kaashaneynaa Ka Hortagga Qorshaha Israa’iil

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday istiraatiijiyad saddex geesood ah oo isugu jirta dhinacyo siyaasadeed iyo sharci, si looga hortago loogana buriyo waxa uu ku tilmaamay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.   Wareysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay si dhow ula shaqeyneyso Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo xulafadeeda gobolka, si loo ilaaliyo xasilloonida loogana hortago waxa uu ugu yeeray “koror khatar ah oo aan laga fiirsan.”     Madaxweynaha ayaa sheegay in midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay yihiin “khad cas,” islamarkaana aan…

Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyeeyay Xubinnimada Soomaaliya ee Golaha Nabadda iyo Amniga Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan hay’adaha Qaranka, taas oo ku aaddan guusha taariikhiga ah ee dalkeennu uu ku hanatay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, muddada 2026–2028. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guushan ay astaan u tahay horumarka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo dib u soo kabashada doorka hoggaamineed ee dalkeennu uu ku leeyahay heer qaaradeed iyo heer caalam iyo shaqada wanaagsan ee ay qabatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalkeena.   “Kalsoonida iyo taageerada ay Soomaaliya ka heshay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika waxay caddeyn…

Continue reading

Maraakiib Dagaal oo Turkigu Soo Gaarsiiyay Muqdisho

Wasiir dowlaha wasaarada Gaashandhigga XFS Cumar Cabdi Cali uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Mohamed Mohamuud ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Maraakiib Dagaal oo ay leeyihiin Ciidanka Badda ee Turkiga.   Imaanshaha maraakiibta dagaal ayaa kusoo aadeyso xili dowlada Fedaraalka Soomaaliyeed ay muhiimad gaar ah siinayso dhismaha iyo Tayaynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha XDS.   Soo dhaweyntaana waxaa qayb ka ahaa Wasiiru dowlaha Dekeda iyo Gaadiidka Badda X.F.S, Kaaliyaha Guud Ciidanka XDS, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Ciidanka XDS, Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiyo Soomaaliya iyo Saraakiil kale.

Continue reading

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u billowday dadaallo lagu dhisayo laguna tayeynayo Ciidanka Badda

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u billowday dadaallo lagu dhisayo laguna tayeynayo Ciidanka Badda Soomaaliyeed, iyadoo dowladda Turkey ay qaadanayso doorka tababarka iyo taageerada farsamo ee ciidamadaas. Qalabkii ugu horreeyay ee tababarka Ciidanka Badda ayaa dhawaan la keenay magaalada Muqdisho, taas oo astaan u ah bilowga qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo awoodda badeed ee dalka. Maanta, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Badda Turkey, Admiral Mustafa Kaya, ayaa soo gaaray Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta tababarka, iskaashiga farsamo, iyo horumarinta awoodda difaac ee badda….

Continue reading

Saciid Deni oo isagoo wata ciidamo cusub ka soo degay Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, xilli ay socdaan diyaar-garow ballaaran oo la xiriira shir siyaasadeed oo muhiim ah.   Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin hore, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada.     Ujeedka safarka Saciid Cabdullaahi Deni ee Muqdisho ayaa la xiriira ka qeyb galka shir weyn oo lagu wada balansan yahay inuu ka dhaco caasimadda, kaas oo ay isugu imanayaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed,…

Continue reading