Thursday, December 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidamada Ahlusunna oo isaga baxay Guriceel

Ciidamada Ahlusunna oo isaga baxay Guriceel

Ciidamada iyo hoggaanka Ahlusunna  Waljamaaca oo maalmihii la soo dhaafay kula dagaalamayay degmada Guriceel Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa saaka halkaasi isaga baxay.

Ka bixitaanka Ahlusunna ee Guriceel ayaa ka dambeeysay kadib wadahadal ilaa xalay socday oo uu garwadeen ka ahaa Ganacsade lagu magacaabo Xaashi Carabeey oo ehel la ah Maxamed Shaakir Cali Xasan, waxaana xogta la helay ay sheegeysaa in hoggaanka Ahluusnna iyo Ciidamadooda ay tageen degaanka Godwiil ee duleedka Guriceel.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada kala duwan ee dowladda ay la wareegeen Aaga Jaamacadda oo maalmahaan ay ka dagaalamayeen Ciidanka Ahlusunna, sidoo kalena ay la wareegeen laba Gaari oo kala ah Beebe iyo Cabdi Bille oo Ahlusunna ku qabsadeen dagaalkii Bohol, kuwaas oo ay ogolaadeen inay dowladda ku wareejiyaan.

Dagaal socday muddo Afar Maalmood oo xiriir ah ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug iyo xoogaga Ahlusunna.

Dadkii ku sugnaa degmada Guriceel ee Shacabka ahaa ayaa kal hore isaga barakacay degmadaas, kuwaas oo haatan dhibaatooyin kala duwan kubheystaan duleedka degmadaasi Guriceel.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...