Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal culus waxa ay ka...

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal culus waxa ay ka sameeyeen xaafado ka titsan magaalada Muqdisho

Howlgalka  qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen gudaha degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadaha ku dhow Villa Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalkan uu daba- socdo weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee habeen hore lagu weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay inay gudaha u galeen guryo qaar oo bartimaameed gaar ah u ahaa, kuwaas oo laga soo qab qabtay dad ay sheegeen inay yihiin tuhmanayaal.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in dadka lasoo qabtay ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah, isla-markaana ay natiijada rasmiga ah dib ka shaacin doonaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday howlgallo ballaaran oo lagu sugayo amniga, kuwaas oo lagu soo qabtay kooxo hubeysan oo ku howlanaa falal liddi ku ah  amniga.

RELATED ARTICLES

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Diyaaradaha Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay koonfurta Lubnaan

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ku qaaday dalka ay dariska yihiin ee Lubnaan ka dib markii maalintii labaad gantaal laga soo...

Twitter Feed