Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidamada Booliska Somalia oo Muqdisho ku qabtay Koox Burcad ah

Ciidamada Booliska Somalia oo Muqdisho ku qabtay Koox Burcad ah

Ciidamo ka tirsan taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa howlgal ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid waxaa ay  gacanta kusoo dhigeen Afar Dhalinyaro Burcad ah, kuwaas oo xilliyada habeenkii dadka dhici jiray.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir Axmed Cabdullaahi Cariif ayaa sheegay in Maamulka degmada iyo Ciidamada Booliska oo iskaashanaya ay qabteen ragga Burcadda ah oo uu sheegay in dadka ay ku dhici jireen Bustoolad Caag ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga degmada Yaaqshiid ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in ragga Burcadda ah ay ahaayeen kuwo dhibaato ku hayay Shacabka degmada, isla markaana ay ku wareejin doonaan Hay’adaha garsoorka dalka si loo Maxkamadeeyo.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa dadka kunool degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaa ay ka cabanayeen Koox Burcad ah oo dhac u geeysanayay, iyada oo dhowr jeer howlgallo laga sameeyay degmooyinka Yaaashiid iyo Kaaraan lagu soo qabtay rag Burcad ah.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...