Thursday, December 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidamada Booliska Soomaliland ayaa howlgallo kala duwan oo ay sameeyeen ayaa waxaa...

Ciidamada Booliska Soomaliland ayaa howlgallo kala duwan oo ay sameeyeen ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Khamri

howlgallo kala duwan oo ay sameeyeen ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Khamri farabadan oo Gaari lagu waday iyo Shaqsi ka Ganacsanayay.

Ciidamada ayaa howlgalka waxaa ay sigar ah uga fuliyeen Aaga xaduudka degaanka faraweyne ee Gobolka Maroodi-jeex, waxaana saraakiisha Booliska ay sheegeen in Khamriga uu ka kooban yahay  675 litir oo dhalooyin kujira.

Sarkaal u hadlay Taliska Ciidamada Booliska Soomaliland ayaa sheegay in Khamrigan ay Ciidamada qabteen lagu qiimayay in lagu soo iibiyay lacag dhan 24.000 oo Dollar, isla markaana Ciidamada ay ka hortageen, iyada oo gaari lagu waday.

Sidoo kale Sarkaalka waxaa uu sheegay in degaannada Soomaliland lagu soo qaaday dagal, sida diita, Dhaqanka iyo dadnimada, waxaana uu ugu baaqay in dadweynaha ku nool degaannada Soomaliland inay kacaan.

Ciidamada Booliska Soomaliland ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay howlgallo kala duwan ay ka sameeyeen degaannada somaliland kusoo qabteen khamri farabadna iyo dad ka Ganacsanayay, kuwaas oo qaarkood la xukumay.

   

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...