Monday, October 25, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Xulashada Ciidamada dowladda oo fuliyay howlgal lagu qabtay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada dowladda oo fuliyay howlgal lagu qabtay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qyebta 60aad ayaa waxaa ay Maanta howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Baay, halkaas oo la sheegay in mararka qaar ay tagaan Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa ay Ciidamada ka fuliyeen degaannada kala ah,Toos-wiine,  Eel Dhuun, Adeegow iyo wadada Aada Degmada Waajid Ee Gobalka Bokool iyo Degaanka Goof Gaduud Buurey  ee Gobolka Baay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda gaar ahaan qeybta 60aad ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu qabtay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ay sheegeen inay falal amni darro ka wadeen wadada Aada Degmada Waajid Ee Gobalka Bokool.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen inay holwgallada siiwadi donan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo amniga degaannada howlgalka laga fuliyay, lagana saarayo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka fuliya.

Howlgalkan Ciidamada dowladda gaar ahaan qeybta 6aad ay ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Baay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Bar-kontorool oo laga ilaaliyo magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

RELATED ARTICLES

Xukumada Somaliland oo dad horleh kasoo musaafurineysa degaanadeeda

Ciidamada Amaanka Ee Somaliland ayaa Saaka Magaaladda Ceerigaabo ka Bilaabay howlgal looga saarayo Magaalada dadka aan u dhalan Deegaankaasi ee ka soo jeeda Koonfurta...

faah faahin laga helayo Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

Dagaal  geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin duleedka Magaalada Kismaayo...

Facebook ayaa ku guuldareysatay inay hubiso hadalada nacaybka, wararka been abuurka ah ee Hindiya: Warbixin

Facebook-ga Hindiya wuxuu doorbiday inuu xakameeyo hadallada nacaybka, wararka khaldan iyo qoraallada kiciya-gaar ahaan waxyaabaha ka soo horjeeda Muslimiinta-sida ku cad dukumiintiyada la dusiyey...