Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Ciidamada dowladda oo howlgal ka sameeyay Xaafado ka tirsan Muqdisho

Ciidamada dowladda oo howlgal ka sameeyay Xaafado ka tirsan Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay xalay howlgallo ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Bondheere ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo dad badan lagu qabtay.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen Xaafadaha u dhaxeeya Isgoyska Maana-booliyo ilaa  Taalada Daljirka Daahsoon, waxana Ciidamada ay joojinayeen dadka wadooyinka maraya, iyaga oo qaarkood xiray.

Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga Caasimadda, isla markaana howlgallada sii socon doonaan.

Qaar kamid ah dadka ku nool xaafadaha howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay qaarkood xireen dad ay ka shakiyeen, kuwaas oo badankood la siidaayay halka qaar ay baaritaan ku socdaan.

Howlkgalkan Ciidamada Booliska Soomaliya ay xalay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Bondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli habeeno ka hor Ciidamada ay howlgal ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Wartanabada ee Gobolkan Banaadir.

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed