Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidamada dowladda oo howlgallo ka wada Shabeellaha Dhexe

Ciidamada dowladda oo howlgallo ka wada Shabeellaha Dhexe



Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ay weli  Gobolka Shabeellaha Dhexe kawadaan howlgal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaaminayo taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga wadaan degaannada kala ah,Gal-labashiir, War dhagax, war ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere, Galka Xarareey oo katirsha Shabeellaha Dhexe.

taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa u sheegay Idaacadda Codka Ciidamada in howlgalladii ugu dambeeyay lagu dilay in ka badan 100 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay ku furteen Gaadiid farabadan.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Taliyaha in howlgallada a  weli ka sii socon doonaan  Gobolka Shabeellaha Dhexe ilaa degaannadaas laga saaro Ururka Al-Shabaab.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degaannada howlgalka ay ka wadaan Ciidamada dowladda  ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen dad Shacab ah kuwo kale oo Boqolaal gaarayana ay ka barakaceen.



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...