Sunday, January 23, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Culus Ka Fuliyay Deegaano Katirsan Koonfur Galbeed

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Culus Ka Fuliyay Deegaano Katirsan Koonfur Galbeed

Ciidamada dowladda Faderaalka ah  iyo kuwa maamulka jubbland ayaa howlgalo balaaran waxa ay saacadii lasoo dhaafay ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo uu ka arimiyo maamulka koonfur galbeed.

Howlgaladaan ayaa si gaar ah waxa looga fuliyay deegaano dhaca inta udhexeysa magaalada beydhabo iyo degmada awdheegle halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab.

saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka koonfur galbeed ayaa waxa ay sheegeen in u jeedka howlgalkaani uu ahaa in alshabaab ay kaga saaraan deegaanada islamarkaasna ay usuurta gashay in inta udhexeysa beydhabo iyo awdheegle ay lagal wareegaan alshabaab

Howlgaladaan ayaa Waxa Hogaaminayay Guddoomiyaha Degmada awdheegle iyo taliyaha ciidanka booliska Degmadaasi,waxaana si rasmi ah ay u xaqiijiyeen in howlgalka sidii loogu tala galay uu u dhacay

howlgalkaan ay sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa koonfur galbeed ayaa kusoo aadaya xili maalmihii dambe xubno ka tirsan alshabaab ay weeraro dhowr ah ka fulinayeen deegaano  dhowr ah oo ka mid ah kuwa maamulka koonfur galbeed ka taliyao

RELATED ARTICLES

Diyaaradda Airbus ayaa baabi’isay heshiis dhan 6 bilyan oo dollar oo ay kula jirtay Qatar Airways kadib dagaal rinji ah

Airbus ayaa kansashay heshiis ay Qatar Airways kula gashay $6bn oo ah 50 ka mid ah diyaaradaheeda cusub ee A321neo ee rakaabka ah, taasoo...

Mareykanka ayaa hakiyay duullimaadyadii ay sameyn jireen shirkadaha xamuulka qaada ee Shiinaha ka dib markii ay dhaqaaqday Beijing COVID

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay joojineyso 44 duullimaad oo Shiinaha ka imaanayay Mareykanka oo ay wadeen afar shirkadood oo Shiinees ah, taasoo jawaab u...

Banaanbax lagu taageerayo qadiyada Somaliland oo gobolka Sanaag ka dhacay.

Bulshada ku dhaqan Gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo ayaa saaka isku soo bax balaadhan oo ay ku taageerayaan qadiyada Somaliland iskugu baxay waxaana kala...