Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidamada dowladda oo La wareegay degaano Ka Tirsan Magaalada Dhusamareeb

Ciidamada dowladda oo La wareegay degaano Ka Tirsan Magaalada Dhusamareeb

Dagaal ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21aad iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab waxaa uu ku dhex-maray deegaanka Orshe oo dhanka bari 50km ka xiga Magaalada Dhusamareeb  ee Caasimadda Galmudug.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kaidb markii Ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen degaankaas oo ay kusugnayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxana dadka degaanka ay sheegeen in uu halkaasi ka dhacay dagaal culus.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada qeybta 21aad ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka ay Al-Shabaab qasaaro ku gaarsiiyeen, sidoo kalena Ciidamada ay guud ahaan la wareegeen degaanka Orshe ee Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ka dambeeyay kadib markii dadka degaanka ay u soo gudbiyeen cabasho ku aadan dhibaato ay ku hayaan Al-Shabaab.

Dhowr jeer ayaa Al-Shabaab waxaa weeraro hoobiyeyaal ahaa ay kusoo qaadeen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana taasi ay keentay in Ciidamada dowladda ay bilihii la soo dhaafay sameeyaan howlgallo kala duwan.

RELATED ARTICLES

Jofra Archer ayaa meesha ka saaray T20 Koobkii Adduunka iyo Dambas isagoo jabtay suxulka midig

Jofra Archer oo ah kubbad -yaqaanka dheereeya ee England ayaa seegi doona Koobka Adduunka ee T20 iyo Dambaskii Australia ka dib markii uu soo...

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Twitter Feed