Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe



Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ayaa howlgal waxaa ay Maanta ku gaareen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Ciidanka waxeey ku gaareen degaannada War dhagax, War Ciise, Gaal leef, Qoor dheere, jilable iyo Cali Fooldheere, kuwaasi oo ay Ciidamadu kala wareegeen  Al-Shabaab.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Cali Xaashi ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in ay isaga baxeen  degaanada qaar, sidoo kalena uu jiro  qasaare xoogan oo ay howlgalka ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Sidoo kale Afhayeenka waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada ay weli howlgalka sii wadaan, isla markaana la filayo inay degaano horleh oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kala wareegaan Al-Shabaab.

Degaannada ay Maanta Ciidamada xoogga dalka howlgalka ku tageen ayaa waxaa muddo dhowr sano ah gacanta ku haayay Xubno ka yirsan Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada xoogga ay dhowr jeer howlgal ku tageen balse ay dib uga soo baxeen.



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...