Tuesday, June 15, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidamada Haramcad iyo Shabaab oo ku dagaalamay Degmada Heliwaa

Ciidamada Haramcad iyo Shabaab oo ku dagaalamay Degmada Heliwaa

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa goor dambe oo xalay ahayd weeraray Booliska sida gaarka ah u tababaran Haramcad ee ilaaliya amniga dhismaha ka socda wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Shabaabka ayaa baasuukayaal ku weeraray barta kontorool ee laga ilaaliyo dhismaha wadada, oo ku taala Isgoyska Ex Control Balcad ee Degmada Heliwaa.

Wararka ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal hubka noocyadiisa kala duwan leesku adeegsaday, Shabaabkii weerarka soo qaadayna lagu khasbay inay dib u gurtaan.

War ka soo baxay Taliska Haramcad ayaa lagu sheegay inay ciidamada iska caabiyeen maleeshiyadii Shabaabka ee weerarka soo qaaday.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, lamana soo sheegin waxyeelo ka soo gaartay dadka deegaanka.

Ciidamada Haramcad ayaa loo diyaariyay inay ka hortaggaan weerarada Shabaabku ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan dhismaha wadadan

RELATED ARTICLES

Maydadka In Ka Badan 150 Muhaajiriin Oo Laga Helay Xeebaha

Ilo-wareed dadka deegaanka oo la hadlay Wargeyska Al-AYAAM ee ka soo baxa dalka Yemen ayaa sheegay in la arkay maydadkaasi iyo 4 kale oo...

Deni oo sheegay inay kordhinayaan la dagaalanka Al-Shabaab & Daacish

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Maanta khudbad ka jeediyay furitaanka Kal-fadhiga 48aad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa ka hadlay xaaladaha amni...

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo la weeraray

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Uganda oo ka...

Facebook Feed

Twitter Feed