Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidamada Haramcad oo howlgal ka fuliyay Magaalada Jowhar

Ciidamada Haramcad oo howlgal ka fuliyay Magaalada Jowhar

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee  Haramcad ayaa xalay ilaa saaka waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen inta badan Xaafadaha Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Howlgalka ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay ay Magaalada Jowhar ku dagaalameen Ciidamada Ammaanka iyo Maleeshiyaad macawiisleey ah oo soo weeraray, kuwaas oo ka careeysnaa xarig Maamulka Hir-Shabeelle uu u geystay taliyahooda.

Ciidamada Haramcad oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka lagu arkay Xaafadaha qaar iyo wadooyinka waaweyn ee Magaalada Jowhar, iyaga oo mararka qaar baaritaano ku sameeynaya Gaadiidka.

Xaalada Mahaalada Jowhar ayaa haatan ah mid degan, waxaana saaka si caadi ah u Shaqeeynaya dhamaan Goobaha Ganacsiga oo badankood shalay ku xirmay dagaalkii ka dhacay Magaalada Jowhat ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed