Ciidamada Daraawiishta dowlad Goboleedka galmudug ayaa waxa ay howlgalo balaaran ka fuliyeen xaafado katirsan magaalada gaalkacyo ee gobolka mudug
Howlgaladaan ayaa waxa hogaaminayay Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska Gobolka Mudug u qaabilsan maamulka Galmudug Gaashaanle Maxamed Mire iyo Taliyaha Saldhiga magaalada Gaalkacyo Kaptan Cali Xirsi Sahal
ciidamada maamulka galmudug gaar haan kuwa booliska ayaa howlgaladaan sameeyay waxaana ay baaritaano kala duwan dadka iyo gadiidka
Waxaana ay sheegeen in howlgaladaani ay ahaayeen kuwa si guud amniga loogu xaqiijinayay islamrkaasna looga hortagayay waxyaabada maankoadooriyada sida qamriga in magaalada lasoo galiyo
Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in howlgaladaan ay sii socon doonan inta laga xaqiijinayo amaanka magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug
Howlgaladaan ayaa waxa la sheegay in ay daba socdaan howlgalo mudooyinkii dambe si isdaba joog ah ugu dhacayay magaalada gaalkacyo kuwaasi oo lagu sugayay amaanka magaalada