Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidamada NISA oo howlgal qorsheysan ka fuliyey Hiiraan

Ciidamada NISA oo howlgal qorsheysan ka fuliyey Hiiraan



Ciidamada nabad sugida ee dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay howl-gal qorsheysan ka fuliyey duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo lagu xaqiijinayey amniga magaaladaasi.

Howl-galka ayaa si gaar ah waxaa looga sameeyey deegaano hoos-yimaad magaalada Beledweyne oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha NISA ee degmada Beledweyne Ibraahim Maxamed Abuukar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay si nabadoon ku gaareen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan, kadib markii ay isaga baxeen xooggagii Al-Shabaab ee horay ugu sugnaa halkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howl-galladooda, inta Al-Shabaab laga saarayo deegaanadaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...