Thursday, December 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidamada Xoogga dalka oo fashiliyey gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa

Ciidamada Xoogga dalka oo fashiliyey gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa

Ciidamada dowladda ee ku sugan afaafka hore ee deegaanka Bacaadweyne ee Koofurta Gobolka Mudug ayaa saaka fashiliyay weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsanayay gaari land cruiser ah oo laga soo buxayey walxaha qaraxa, sida ay shaaciyeen saraakiisha ammaanka.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa lagu soo warramayaa inay toogteen wadihii gaari, waxaana halkaasi ku qarxay gaarigii, sida ay xaqiijiyeen saraakiishu.

Wararka ayaa sheegaya in kaliya qaraxan uu ku dhintay wadihii baabuurka, waxaana ciidamadu qaraxa kadib ay sameeyeen howlgallo ballaaran.

Sidoo kale ciidanka xoogga dalka,kuwa daraawiishta Galmudug iyo shacabka deegaanka oo is-kaashaya ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo ka wada  deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...