Friday, September 17, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaali Oo Howlgallo ka Dhan ah Al Shabaab oo...

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaali Oo Howlgallo ka Dhan ah Al Shabaab oo wali kasocda Gobolka Mudug

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug.

Howlgalladii ugu dambeeyay ayaa Ciidamada waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen degaano u dhow, degaannada Camaara, Bacaadweyne iyo Shabeellow, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada qeybta 21aad ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgallada ay Ciidamada Guulo ka gaareen, isla markaana Ciidamada ay degaano la wareegeen, sidoo kalena ay dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Amniga Galmudug, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Janeraal Cabdi Qeybdiid iyo Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon.

RELATED ARTICLES

Xukumada Somalia oo shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay Garoonka Jabuuti

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya sigaar ahna uga howlgalla Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha...

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaa ku guuldareystay inay ka soo laabtaan Tigray, UN ayaa sidaas sheegtay

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaan ka soo laaban gobolka Tigrey ee uu dagaalku ka dhacay ee Itoobiya, waayitaankooduna waa “caqabadda koowaad” si kor...

Hoggaamiyayaasha gobollada Soomaaliya ayaa ku boorriyay in la joojiyo loolanka awoodda

Hoggaamiyeyaasha gobollada Soomaaliya ayaa ka codsaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay soo afjaraan khilaafkooda waxyeellada leh, iyagoo ka digay khatarta ka dhalan karta xasillooni...

Twitter Feed