Thursday, May 6, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidamadii taageersanaa Mucaaradka oo ka guuray Wadada Cabdiqaasim

Ciidamadii taageersanaa Mucaaradka oo ka guuray Wadada Cabdiqaasim

Ciidamo ka tirsanaa kuwa taageersan mucaaradka oo ilaalo u ahaa Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Saadaq Joon iyo Yuusuf Indhacadde ayaa isaga guuray agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim, halkaas oo ay ku sugnaayeen.

Ciidamada ayaa Wararka la helay waxaa ay sheegayaan inay u guureen dhinaca Xaafada Siigaale ee degmada Hodan, halkaas oo, iyaga iyo Madaxda la socota ay fariisin Cusub ka sameysteen.

Dhinaca kale Ciidamada ammaanka ee Dowladda ayaa bilaabay inay furaan wadada u dhaxeysa Isgoysyada KM4 iyo Tarabuunka, halkaas oo horay ay dhufeysyo uga sameysteen Ciidamo ka tirsanaa kuwa taageersan mucaaradka oo ilaalo u ahaa Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Saadaq Joon iyo Yuusuf Indhacadde.

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ee Xaafadaha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ka socda barakac ay sameeynayaan dadka Shacabka ah, iyaga oo ka cabsi qaba in bushooda lagu dagaalamo. wardeeqnews

RELATED ARTICLES

Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo Muqdisho lagu dilay

Kooxo hubeysan ayaa degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir waxaa ay ku dileen Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo uu hoggamiyaha ka yahay Musharax...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddi u saaray dilkii Carruurta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magacaabay Guddiga baaris kumeel gaar ah oo natiijo dhab ah ka keena kiiska Carruurtii...

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka howlgal Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa waxaa uu xalay ka dhacay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka...

Facebook Feed

Twitter Feed