Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidamo dowladda Soomaaliya geysay degaanka Wisil oo howlgal bilaabay

Ciidamo dowladda Soomaaliya geysay degaanka Wisil oo howlgal bilaabay

Ciidanka Kumaandooska Danab Ururka  6 aad Guutada 16 aad  oo ay dowladda Soomaaliya geysay degaanka Wisil ayaa waxaa ay halkaasi ka bilaabeen howlgal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa howlgalka intiisa badan ay ka sameeyeen duleedka degaanka Wisil, iyaga oo gurmad Dhaka Nolosha ah u fidyay qoysas ka barakacay dagaalkii degaanka Wisil.

Ciidamada oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Danab Ee Degaanada Galmudug Dhame. Feyfle ayaa waxaa uu sheegay in ujeedka howlgalkooda uu yahay sidii ay Al-Shabaab uga saari lahaayeen degaannada ku dhow dhow degaanka Wisil.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay Ciidamada siweyn u xaqiijiyeen Amniga degaanka Wisil, isla markaana howlgallada ay noqn doonaan kuwa sii socda si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Al-Shabaab ay degaanka Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug ku qaadeen weerar ku billowday qarax, waxaana dagaal halkaasi ka dhacauy ku geeriyoodeen in ka badan 30 Ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad Shacab ah.

RELATED ARTICLES

Jofra Archer ayaa meesha ka saaray T20 Koobkii Adduunka iyo Dambas isagoo jabtay suxulka midig

Jofra Archer oo ah kubbad -yaqaanka dheereeya ee England ayaa seegi doona Koobka Adduunka ee T20 iyo Dambaskii Australia ka dib markii uu soo...

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Twitter Feed