Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidamo Howlgal Miino Baaris Ka Sameeyay Degaan Ay Weerareen Al-Shabaab

Ciidamo Howlgal Miino Baaris Ka Sameeyay Degaan Ay Weerareen Al-Shabaab

Ciidanka Dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug oo isugu jira Milateri, Boolis iyo Nabadsugid ayaa saakay waxaa howlgal ka sameeyeen deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug oo maalmo kahor ay weerar ku qaadeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ciidamada ayaa howlgalka oo ujeedkiisu ahaa miino baaris ka sameeyay gudaha iyo duleedka degaanka Wisil oo uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo Al-shabaab, kaasi oo geystay khasaaro.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka hoggaaminaya howlgalka ayaa sheegay inuu socdo howlgal dhulka miinooyin looga baarayo, isla markaana la adkeeyay amniga Wisil ee Gobolka Mudug, ayna socon doonaan howlgalada.

Al-shabaab ayaa maalmo kahor weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin ah ku qaaday Wisil, waxaana halkaas ka dhacay dagaal cusub oo dhexmaray Shabaabka, Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka oo is abaabulay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, waxaana halkaas ku dhintay in ka badan 30 qof oo isugu jiray Askar iyo Shacab, iyadoona Shabaabka ay sheegteen in dagaalka ay ku dileen 34 Askari, ayna qabsadeen hub iyo gaadiid.

RELATED ARTICLES

Jofra Archer ayaa meesha ka saaray T20 Koobkii Adduunka iyo Dambas isagoo jabtay suxulka midig

Jofra Archer oo ah kubbad -yaqaanka dheereeya ee England ayaa seegi doona Koobka Adduunka ee T20 iyo Dambaskii Australia ka dib markii uu soo...

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Twitter Feed