Warar dheeraad ah waxay kasoo baxayaan qaraxyo xooggan oo Ciidamo Amisom lagula eegtay deegaanno Dhaca Gobolka shabeellada hoose.
Qaraxyada oo gaarayay illaa 2 qarax waxay la sheegay in lala Eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada Yugaandha xilli ay ku socdaalayeen inta u dhaxaysa degaannada Danow iyo Shanlanbood ee Sh/hoose.
Alshabaab oo warkasoo saaray qaraxyadaan ayaa waxa ay sheegeen in qasaaro xoogleh ay ku gaarsiiyeen Ciidamada yugaadha ee nabad ilaalinta ujooga soomaaliya
Alshabaab ayaa sheegay in Qaraxa koowaad uu haleelay gaari Tow ah oo ka mid ahaa kolonyada ciidamada Yuganadha
waxayna sheegeen in qaraxaas uu dhaliyay khasaare kala duwan.
Qaraxa labaad waxay lala beegsaday ciidamo lug ah oo ka dagay gaadiidka kolonyada la qarxiyay waxaana halkaas ka dhashay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac.
“Qaraxyadan waxa dhimasho iyo dhaawac ku noqday 7 askari oo ka tirsan ciidamada Yugandha 2 ka mid ah waa dhimasho halka 5-ta kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen” ayaa lagu Warkaso baxay Alshabaab oo lagu baahinayay dhinaca intarneetka