Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidamo, uu horkacayey Jeneraal Saadaq Joon oo la wareegay degaanka Camaara

Ciidamo, uu horkacayey Jeneraal Saadaq Joon oo la wareegay degaanka Camaara

Wararka laga helayo gobolka Mudug ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay gudaha u galeen deegaanka Camaara ee gobolkaasi, kadib markii ay weerareen deegaankaasi.

Camaara oo ay in muddo ah gacanta ku hayeen xoogaga Al-Shabaab ayaa waxaa saaka la wareegay ciidamada huwanta, waxaana horkacayey saraakiil sar sare oo uu ka mid ah yahay General Saadaq Joon oo ku sugan deegaano ka tirsan maamulka Galmudug.

Ciidamada huwanta ayaa lagu soo waramayaa inay dagaal kooban la galeen Al-Shabaab, waxaana, kadib u suuragashay inay qabsadaan deegaankan oo ah mid istaraatiiji ah.

Sidoo kale ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in ciidamadu ay fariisimo cusub ka sameysteen halkaasi, isla-markaana ay wadaan dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inay soo rogaal celiyaan xoogaga Al-Shabaab, kadibna uu dagaal ka dhaco halkaasi.

Howl-gallada milatari ee ka socda deegaanada Galmudug oo uu haatan ku biiray General Saadaq Joon ayaa ah kuwa la doonayo in looga adkaado dagaalamayaasha Al-Shabaab

RELATED ARTICLES

Jofra Archer ayaa meesha ka saaray T20 Koobkii Adduunka iyo Dambas isagoo jabtay suxulka midig

Jofra Archer oo ah kubbad -yaqaanka dheereeya ee England ayaa seegi doona Koobka Adduunka ee T20 iyo Dambaskii Australia ka dib markii uu soo...

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Twitter Feed