Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maanta loo soo xiray tababar heer sare ah oo ku saabsanaa hoggaaminta, sirdoonka, ka hortagga walxaha qarxa (IEDs) iyo farsamooyin amni oo casri ah.
Tababarkan oo lagu qabtay Taliska Kulliyadda Leyli Saraakiisha ee Turkisom ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda, xirfadda iyo kartida hoggaamineed ee saraakiisha amniga.
Waxaana tababarkan iska kaashaday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga, iyadoo diiradda la saaray horumarinta tayada ciidanka iyo tayeynta habraacyada amni ee casriga ah.
Tababarkan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo sugidda amniga, nabadgelyada bulshada iyo tayada hoggaamineed ee hay’adaha amniga Koonfur Galbeed.




