Friday, January 28, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidanka Buntland Oo Xabsiga Dhigtay 13 Askari

Ciidanka Buntland Oo Xabsiga Dhigtay 13 Askari

Ciidamada Booliiska Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka karkaar Puntland ayaa xalay xabsiga dhigay 13 askari oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland, kuwaas oo loo soo jeediyay eedeymo kala duwan.

Askarta la xiray ayaa waxaa lagu eedeeyay inay isku dayeen in ay xoog kula baxaan hub ku xeraysan xeradaTababarka Ciidamada Xorgoble ee Magaalada Qardho, balse Booliiska ay sheegeen inay fashiliyeen.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in is-rasaasayn kooban ay dhexmartay labada dhinac, taas oo aan la sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, waxaana Amniga Xarunta la wareegay Booliiska oo kaashanaya ciidanka Madaxtooyada Magaalada Qardho.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Magaalada Qardho ayaa waxaa ay sheegeen Askarta lagu eedeeyay inay hubka la bixi rabeen ay gaarayaan 20 askari 13 kamid ah gacanta ku dhigeen halka 7 harsan ay ku raad joogaan.

RELATED ARTICLES

Xiisadda Ukraine: Ruushku waxay rajeynayaan nabad sida wadahadalka adduunka ee dagaalka

Magacyada hore oo kaliya ayaa loo adeegsaday xaaladaha qaarkood si loo ilaaliyo aqoonsiga. Ma jiro qof Ruushka jooga oo raba dagaal, ayay tidhi Ekaterina,...

Jarmalku waxa uu saynisyahan Ruush ah ku tijaabiyay basaasiinta tignoolajiyada hawada sare

Saynisyahan Ruush ah oo ka shaqaynayay jaamacad Jarmal ah oo sannadkii hore loo xidhay basaasnimada Ruushka ayaa la wadaagay macluumaadka ku saabsan barnaamijka gantaalaha...

Musk gantaal hawada sare ah oo ku socda koorsada isku dhaca dayaxa

Qayb ka mid ah gantaalada SpaceX ee qarxiyay todobo sano ka hor oo hawada sare lagaga tagay ka dib markii uu dhamaystay hawshiisa ayaa...