Friday, September 17, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidanka DANAB oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

Ciidanka DANAB oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska xooga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen inay la wareegeen degaannada kala ah, Ceeldheer Macalin, Jameeclo Jiliyaale, Gamboole, Masiireey iyo Boqol Gaani oo ka wada tirsan Goboka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale saraakiisha Ciidanka DANAB waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku buriyeen Maxkamad ay lahaayeen Al-Shabaab, Goobo ay dadka lacagaha uga qaadi jireen, Isbitaal ay Xubnaha ka tirsan ku daaweyn jireen iyo Goobo kale.

Sidoo kale Ciidanka DANAB oo howlgalkooda sii wata ayaa gaaray degaanka Fiidow oo ku yaal xadka kala qeybiya Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo awood badan ay ku lahaayeen Al-Shabaab balse ay Ciidamada dowladda deg deg kula wareegeen.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada DANAB ay weli howlgallada ka wadaan degaannada katirsan Gobolada shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, halkaas oo mararka qaar ay weeraro kasoo qaadi jireen Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

Xukumada Somalia oo shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay Garoonka Jabuuti

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya sigaar ahna uga howlgalla Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha...

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaa ku guuldareystay inay ka soo laabtaan Tigray, UN ayaa sidaas sheegtay

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaan ka soo laaban gobolka Tigrey ee uu dagaalku ka dhacay ee Itoobiya, waayitaankooduna waa “caqabadda koowaad” si kor...

Hoggaamiyayaasha gobollada Soomaaliya ayaa ku boorriyay in la joojiyo loolanka awoodda

Hoggaamiyeyaasha gobollada Soomaaliya ayaa ka codsaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay soo afjaraan khilaafkooda waxyeellada leh, iyagoo ka digay khatarta ka dhalan karta xasillooni...

Twitter Feed