Thursday, October 28, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidanka Danab Oo Howlgalo Ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ciidanka Danab Oo Howlgalo Ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ciidamada daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kumaandooska Danab ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyay deegaanno  ku yaal galbeedka gobolka J/hoose.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheeysay ayay ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland iyo ururka 5-aad ee guutada 16-aad ee kumaandooska Danab si wadajir ah uga fuliyeen deegaanno dhowr ah oo Dhaca Gobolka Jubbada Hoose Halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Deegaannada ay ciidamadu Howlgalada ka fuliyeen waxaa kamid ah Bura, Xawalo Koofi, Fareydhubow, Yaaq dabeel ilaa deegaanka Buuloxaaji oo dhammaantood ka tirsan gobolka J/hose.

Warkasoo baxay warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in xubnihii kabtirsa Al-shabaab ay isaga carareen deegaannadan, waxaana ay sheegeen in hadda si buuxda ay  gacanta ugu haya ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka

RELATED ARTICLES

Howlgal laga sameeyay Magaalada Beledweyne

Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka  Hir-Shabelle ayaa howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayay waxa ay ka sameeyeen qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Ciidamada...

Ciidamada Ahlusunna oo isaga baxay Guriceel

Ciidamada iyo hoggaanka Ahlusunna  Waljamaaca oo maalmihii la soo dhaafay kula dagaalamayay degmada Guriceel Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa saaka halkaasi isaga baxay. Ka...

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo Warbixin siiyay Madaxweynaha KGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne...