Friday, September 17, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidanka dowladda oo howlgal miino baaris ah sameeyay

Ciidanka dowladda oo howlgal miino baaris ah sameeyay

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo culus ka sameeyeen Degmada Waajid ee Gobolka Bakool iyo degaano hoostaga.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedkooda uu ahaa xaqiijinta Amniga, isla markaana ay ku guuleysteen inay qarxiyaan miino ay Al-Shabaab ku Aaseen wadada dhinaceeda, si ay ugu dhibaateeyaan Shacabka.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay howlgalkooda uu ahaa sidii Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka fuliya degaano hoostaga degmada Waajid looga saari lahaa, isla markaana ay ku guuleysteen.

Ugu dsmbeyn saraakiishu ma sheegin waxyaabo ay kusoo qaabteen howlvalkaas, hayeeshee waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan ilaa ay ka xaqiijinayaan amniga degmada Waajid iyo degaannada kale ee hoostaga.

RELATED ARTICLES

Xukumada Somalia oo shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay Garoonka Jabuuti

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya sigaar ahna uga howlgalla Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha...

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaa ku guuldareystay inay ka soo laabtaan Tigray, UN ayaa sidaas sheegtay

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaan ka soo laaban gobolka Tigrey ee uu dagaalku ka dhacay ee Itoobiya, waayitaankooduna waa “caqabadda koowaad” si kor...

Hoggaamiyayaasha gobollada Soomaaliya ayaa ku boorriyay in la joojiyo loolanka awoodda

Hoggaamiyeyaasha gobollada Soomaaliya ayaa ka codsaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay soo afjaraan khilaafkooda waxyeellada leh, iyagoo ka digay khatarta ka dhalan karta xasillooni...

Twitter Feed