Ciidanka Kumandooska Xoogga dalka ee DANAB gaar ahaan Ururka 4-aad ee guutada 16-aad ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo saacado socday ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada DANAB ayaa howlgalka intiisa badan ka fuliyay deegaanada kala ah Maracade iyo galka salim, halkaas oo la sheegay inay farriisimo ku lahaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in la burburiyay goobo ay ku tilmaameen in Al-shabaab ay u aheyd farriisin oo dadka lacago looga qaadi jiray, waa sida hadalka loo dhigay.
Sidoo kale Saraakiisha ayaa waxaa ay sheegeen in Ujeedka howlgalka Ciidanka Kumandooska Xoogga dalka ee DANAB ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose uu ahaa mid lagu doonayay in lagu xaqiijiyo amniga Gobolka.
Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa marar kala duwan howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab ka sameeyay Gobolka Shabeellaha Hoose oo kamid ah Gobolada ugu amniga xun Koonfur Galbeed , waxaana halkaas ka dhacay weeraro iyo qaraxyo lagu dilay Saraakiil Ciidan, Mas’uuliyiin iyo dad sjhacab ah.