Thursday, December 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidanka Nabadsugida Somalia oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidanka Nabadsugida Somalia oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidamada Duufaan iyo Dayax ee ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya ee NISA ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgalo lagu xaqiinayo amniga waxa ay ka sameyeen deegaano hoos yimaada Degmada Luuq ee Gobolka Gedo

Degaannada howlgalka Ciidamada ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah tuulooyinka Shaataloow, jalab, Salaamac Gubad, Sanajiif iyo deegaano kale , halkaas oo la sheegay inay mararka qaar tagaan Xubno katirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa  hogaaminayey Taliyaha Ciidamada Nisa ee Gobolka Gedo Bakaal Kooke , waxaana uu  sheegay in ay ku raad joogaan tiro ka mid ah Al-Shabaab oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan dadka Xoolo dhaqatada ah ee ku nool tuulooyinkaas.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay ka xawiininayaan amniga degaannada hoostaga degmada luuq kana saarayaan Xubnaha katirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalkan Ciidanka NISA ka sameeyeen degaano hoostaga degmada luuq ee Gobolka Gedo ayaa kusoo aadaya xilli mararka qaar Al-Shabaab ay weeraro toos ah iyo qaraxyo ku qaadaan fariisimaha Ciidamada dowladda ee degaano ka tirsan Gobolkaasi Gedo.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...