Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Caafimaad-ka Cudurada la isugu gudbiyo galmada

Cudurada la isugu gudbiyo galmada

Maxay yihiin caabuqyada ugu badan ee la isugu gudbiyo galmada?

Xanuunada caabuqa ah ee ugu badan waxaa ka mid ah kuwan hoos ku xusan:

  • Burooyiinka Anogenital

Burooyiinka Anogenital waxaa mararka qaar lagu magacaabaa Genital Warts. Waa finan kuukuusan oo yaryar oo ka soo baxa hareeraha xubinta taranka.

Mararka qaar ma sii dareemi kartid ka hor inta aysan soo bixin. Waana nabarro keeni kara xanuun, cuncun iyo dhiigba. Waxaa inta badan lagu kala qaadaan isu tagga ama galmada.

  • Chlamydia

Qiyaastii 3 illaa 7 qof oo ka mid ah 100 kii qof ee weli dareenkooda dhallinyaro xooggan yahay ayaa qaada caabuqan, sida baaritaanno lagu ogaaday. Wuxuu si aad ah ugu badan yahay gabdhaha ka yar 25 sano.

Waa jeemis aad u yar oo sida fayraska ah, wuxuuna ka dhex sameysmaa unugyo kiimikaal ah. Bakteeriyada noocan ah waxay sababi kartaa xanuuno dhowr ah, sida Trachoma, Psittacosis, iyo nooc aan gaar ahayn oo ah Urethritis.

  • Fayras ku dhaca xubinta taranka

Genital Herpes waa fayras sida caabuqa ah. Illaa 8 ka mid ah 10-kii qof ee qaba xanuunkan isma oga in caabuqan ay qaadeen. Badanaa waxaa lagu kala qaadaa galmada.

Ka dib marka uu qofka qaado, wuxuu fayraska dhexgalayaan hannaanka neerfayaasha, muddo ka dib ayuuna soo kacayaa, waana xilliga uu qofka isku arkayo astaamaha.

  • Jabtada

Xanuunka Jabtada waa mid galmada la isugu gudbiyo, waxaana sababa jeermis ama bakteeriyo. Waxaa lagu daweyn karaa Antibiotics. In xilli hore la daweeyo waa muhiim si looga hortago in xanuunka uu ka sii daro.

  • Human Immunodeficiency Virus (HIV)

HIV iyo AIDS ma ahan isku mid, sidoo kale qofka uu ku dhaco HIV, isla markiiba ma qaadyo xanuunka AIDS. Daweynta casriga ah ayaa hadda sababtay in dad yar oo qaba HIV uu ku dhaco AIDS. Inta kale waa laga difaacaa.

HIV waxaa lagu kala qaadaa galmada iyo qalab kale sida cirbadaha iyo sakiinta. In qofka lagu billaabo daweyn, isla marka lagu arko, waa arrin muhiim ah.

  • Cagaarshow (Hepatitis B)

Jeemiska Hepatitis B, wuxuu sababi karaa xanuun aad u daran oo muddo kooban ah. Tiro ka mid ah dadka aan sida wanaagsan looga daweyn, waxaa ku dhaca nooc aan la daweyn Karin oo si joogto ah u soo noqnoqda.

Inta badan dadka qaba nooca aan la daweyn Karin (Chronic hepatitis B), xaaladdooda aa duma xuma, balse way u gudbin karaan qofkii ay la kulmaan. Qaar ka mid ahna waxay kala kulmaan xanuuno ba’an oo beerka saameeya.

Fayraskan waxaa la isugu gudbiyaan galmada, isla isticmaalka cirbadaha, dawooyiinka qaar, iyo hooyada oo u gudbin karta canuggeeda.

  • Cagaarshow (Hepatitis C)

Hepatitis C waa fayras dhiigga ka dhasha, wuxuuna saameeyaa unugyada beerka. Wuxuu inta badan ku dhacaa dadka isla isticmaala cirbadaha ama kuwa isku duran dawooyiin sumeysan sida doaroogada iyo galmada.

Dadka qaar, jirkooda ayaa si dabiici ah ula dagaallama caabuqa. Dadka qaar ee jirkooda uusan ka dhammaaneyn xanuunkana, iyagoo astaamaha aysan ka muuqan ayey iska nool yihiin. Waxaana jiro kuwa ay astaamaha ka muuqdaan.

Caabuqa aan la daweyn Karin wuxuu halis ku yahay caafimaadka beerka, wuxuuna sababi karaa kansarka beerka. Inta badan waxaa xanuunkan lagu sameeyaa daweyn wax ku ool ah.

  • Injirta maqaarka

Injirta maqaarka waa mid ku dul nool bini-aadamka, si gaar ah timaha. Waxaa la isugu gudbiyaan is taabashada. Waxay sababi kartaa cuncun. Haddii qeybaha hoose ee jirka ay kaa gasho, waa in aad sidoo kale iska baartaa xanuunada kale ee galmada lagu kala qaado (STIs).

  • Xanuunka Waraabowga ama isfiilito (Syphilis)

Cudurka Syphilis (waraabowga) waa caabuq ka dhasha bakteeriya lagu magacaabo Treponema Pallidum.

Xanuunkan wuxuu maraa marxalado kala duwan. Xaaladaha ugu horreeya, waxaad belbel iyo hur ka dareemeysaa hareeraha xubinta taranka. Haddii aan si wanaagsan loo daweyn, wuxuu u sii gudbayaa qeybaha kale ee jirka.

  • Trichomonas

Trichomoniasis waa xanuun la isugu gudbiyo galmadawaxaana sababo jeermis aad u yaryar oo lagu magacaabo Trichomonas Vaginalis. Wuxuu xanuun iyo babar u keenaa xubinta taranka. Mararka qaar, wuxuu qofka faafin karaa xanuunka isagoo aan is ogeyn.

Xanuunada kale ee isu tagga la isugu gudbin karo:

Waxaa jiro xanuuno ku dhaca hareeraha xubnaha taranka, balse lagu qaldo kuwa la isgu gudbiyo galmada (STIs). Qaar kood waa la isu gudbin karaa, kuwana si kale ayaa lagu qaadi karaa, waxaana ka mid ah:

  • Isnadaamis – (Scabies)
  • Molluscum contagiosum
  • Xanuunada kaadi-mareenka (Urethritis)
  • Balanitis
  • Xanuunada miskaha (Pelvic inflammatory disease)
  • Vulvitis
  • Cambaarta ama finanka Thrush
  • Cystitis
  • Bakteeriyada xubinta taranka dumarka

Astaamaha lagu garto xanuunka

Astaamaha lagu garto in qofk uu xanuunka hayo way kala duwan yihiin. Astaamaha qaar si toos ah loogama dareemo xubinta taranka, balse qeybha kale ee jirka ayaa laga dareemaa.

Kuwan hoos ku xusan ma ahan diiwaanka oo buuxo, waxaana jiro astaamo aad u badan oo kale. Balse waa kuwa ugu badan ee la arki karo:

  • Bararka xubinta taranka dumarka
  • Dhiig-bax aan sidii caadiga ahayn.
  • Bararka xubinta taranka ragga iyo hareerahiisa.
  • Xanuun, hur ama belbel, finan yaryar, iyo wax kuusan oo lagu arko xubinta taranka dusheeda ama qeybaha ku dhow.
  • Xanuun iyo hur xilliga galmada.
  • Kaadida oo qofka gubeysa (In kastoo arrintan ay noqon karto caabuq la xiriira gaadi mareenka balse aan ahayn STI).

Xusuusnow, inta badan xanuunada STIs ma lahan astaamo lagu sii garto. Balse qofka wuu gudbin karaa xanuunka. Haddii aad isaga shakiso, waa in aad dhakhtarka aadaa oo isa soo baartaa.

Sida loo daweeyo  

Daweynta waxay ku xiran tahay nooca caabuq ee qofka laga helo, ka dib baaritaanka caafimaad ee lagu sameeyo. Haddii fayraska uusan aad u sii dhib-badneyn, waxaa lagu daweyn karaa Aantibiotics.

Waxaa sida ugu fudud lagu daweyn karaa marxaladaha hore ee Chlamydia, Jabtada, syphilis (isfiilitada-waraabowga) iyo Trichomonas.

Injirta jirka waxaa baabi’in karta kareem loogu talagalay oo dawo ah. Sidoo kale, inta badan Burooyiinka xubinta taranka waxaa jiro dawooyiin loogu talagalay oo baabi’iya.

Xanuunada kale, sida Genital Herpes, hepatitis B, hepatitis C iyo HIV, waxay u baahan yihiin daweyn aad u qoto dheer o oculus. Waxaana arrintaas qofka kala talin kara dhakhtarka.

Haddii dawo loo qoro qofka, waa in uu wada dhameystaa dhammaan, si caafimaadka loo gaaro. Haddii kale, caabuqa wuu soo noqonayaan. Mararka qaar, daweynta waxay qaadan kartaa muddo bilo ah – sida illaa lix bilood.

Waxaa wanaagsan in qofka uu ka fogado galmada inta daweynta ay u socoto. Taas waxay ku xiran tahay nooca xanuunka la daweynayo iyo talada dhakhtarka.

Ujeedada ugu wayn waa in laga hortago in xanuunka uu faafo oo qof kale uu u sii gudbo.

RELATED ARTICLES

Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada

shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabadii ugu...

Madaxweynaha Galmudug oo laga codsadey inuu soo gudbiyo liiska musharaxiinta.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor u diray Codsi la xiriira soorashada Aqalka Sare ee...

Dawlada somaliland oo ka hadashey dilkii G.kuminshanka doorashooyinka Gobola Sool.

Maamulka Gobolka Sool ee Somaliland ayaa ka hadlay Dil xalay gudaha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool loogu geystay Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Somaliland ee...

Twitter Feed