Wednesday, September 22, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Daahir; Geelle Soomaali waxay u baahan tahay doorasho xor iyo xalaal ah”

Daahir; Geelle Soomaali waxay u baahan tahay doorasho xor iyo xalaal ah”

Hoggaamiyaha Xisbiga Danqaran Ahna Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin doorasho xor iyo xalaal ah.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu ku sheegay Musharax Geelle in Midowga Musharaxiinta ay isku duuban yihiin ayna diyaar u yihiin in wadahadalo ay la galaan dowlada.

Waxa uu Musharax Geelle ku eedeeyay dowlada inay isku dayayso inay madmadow dhex geliso Midowga Musharaxiinta taasna aysan socon doonin, Waxaana uu ugu baaqay in ay la yimaadaan wadahadalka aqoontiisa iyo xirfadiisa.

Qoraal uu soo saaray ayaa u qornaa sidan:

Wadahadalladu waxay u baahan yihiin niyad wanaag, sabar iyo qodobbada la isku raacay in la buunbuuniyo.

Dhanka dowladda haddii aan ka fiirinno waxaa muuqanaya in aysan heshiis xiisaynayn oo ay ku mashquulsan yihiin sida ay Midowga Musharraxiinta madmadoow iyo kala shaki uga dhex abuuri lahaayeen, halka aan annaga ku mashquulsannahay sida ayaga oo heshiis ah noola heshiin lahaayeen! Nasiib wanaagse, Golaha Midowga Musharraxiinta maalinta lagu dhawaaqayay maanta ayuu isaga tolan yahay, wuxuuna leeyahay haykal dhisan iyo hadaf midaysan.

Madaxda dowladda waxaan leennahay wadahadalka aqoontiisa iyo xirfadiisa la imaada, wadahadalka waa culays badan yahay, sabar iyo dulqaad ayuu u baahanyahay! Annaga dhankeenna, adinka oo nagu duulay, dad naga dilay, xuquuqdeenni dastuuriga ahaa noo diiday ayaan weli wadahadalka u taagannahay. Waxaan rabnaa inaad sabarka naga barataan, naga barataan in aan dalka lagu kala tagi karin, naga barataan inaan isku qasbannahay!

Walaalkeen Farmaajoow, Soomaali kuma qasbana sida aad rabto oo ah in aad doorasho boob ah qabatid ama aysan dalka doorasho ka dhicin! Soomaali waxay u baahan tahay doorasho xor iyo xalaal ah oo la mid ah kuwi la arki jiray, kana gadisan wixi aad samaynaysay afarti sano ee la soo dhaafay, wayna heli doontaa Insha Allah.

KALAMA TAGI DOONNO, TAADANA KUUMA MARI DOONTO

RELATED ARTICLES

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Hor Yimid Bananbax Uu Iclaamiyay WasiirKa Cusub Ee Amniga

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu gaashaanka udaruuray Qorshe uu waday wasiirka amniga lagu muransayahay ee xukuumadda SoomaaliyaAbdulaahi Maxamed nuurWasiirka Amniga ee uu dhawaan ...

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo xalay lagu qaaday saldhig ciid oo kuyaal gobolka gedo

xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ayaa waxa lagu soo waramayaan in tiro madaafiic ah ay ku garaaceen saldhig ciidamada kenya ay ku leeyihiin degmada...

Xaaska M/weyne Erdogan oo shaacisey inaanay weligeed u ooyin siday u oyday markay Somalia Tagtay

Marwada koowaad ee Turkiga, Emine ErdoganEmine Erdogan oo ah marwada koowaad ee dalka Turkiga, ayaa la filayaa in ay Xarunta Qaramada Midoobay ay ku...

Twitter Feed