Caabudwaaq - Wardeeq news

Wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee Galmudug ay gacanta ku dhigeen labo nin oo lagu eedeeyay in ay degmnadaasi ku dileen  qof shacab ah, kaasi oo ka mid ahaa darawada ka xayeeya gaadiidleyda ka howlgala  deegaanada Galmudug.

Darawalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mahad Farabadane, isla markaana waxaa uu kamid ahaa darawalada baaburta Qaadka qaada ka shaqeysa.

Laamaha ammaanka Galmudug ayaa la filayaa in daqiiqada soo aadan ay faahfaahin ka bixiyaan raga ay gacanta ku soo dhigeen.

Deegaanada Galmudug ayaa inta badan waxaa ka dhacaya dilalka ku saleysan aanooyinka qabiilka

Verified by MonsterInsights