Thursday, October 28, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dunida DAD TIRO BADAN OO LAGU LAAYAY TOOGASHO KA DHACDAY DALKA MARAYKANKA .

DAD TIRO BADAN OO LAGU LAAYAY TOOGASHO KA DHACDAY DALKA MARAYKANKA .

Wararka Ka imanaya Dalka maraykanka ayaa sheegaya in Toogasho ka dhacday suuq ku yaalla gobolka Colorado ee dalka Maraykanka habeenimadii isniinta lagu dilay ugu yaraan 10 qof, oo uu ku jiro sarkaal boolis ah.

Booliska ayaa xidhay qof lagu tuhusan yahay toogashada, Inkasta oo aanay shaacin magaca qofkaasi .

Madaxda magaalada ayaa Shir jaraa’id oo ay Qabteen Oo ay ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin dhacdadaasi Inkasta oo aanay Bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan toogashadaasi iyo waliba waxa sababay .

Weerarkan ayaa lagu qaaday suuqa ku yaala magaalada Boulder oo waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Denver.

Madaxda magaalada ayaa Ballan Qaadayn in Shacabka Magaaladaasi ay Caddaalada U xaqiijin Doonaan.

By:Jim’ale ismail

RELATED ARTICLES

Howlgal laga sameeyay Magaalada Beledweyne

Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka  Hir-Shabelle ayaa howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayay waxa ay ka sameeyeen qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Ciidamada...

Ciidamada Ahlusunna oo isaga baxay Guriceel

Ciidamada iyo hoggaanka Ahlusunna  Waljamaaca oo maalmihii la soo dhaafay kula dagaalamayay degmada Guriceel Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa saaka halkaasi isaga baxay. Ka...

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo Warbixin siiyay Madaxweynaha KGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne...