ciidanka xoogga dalka ciidamada militeriga Soomaaliya.jpg dagaal dhashiike - Wardeeq news

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka qarxay degmada Bardaale ee gobolka Baay, kaas oo u dhexeeyo ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad beeleed hubeysan.

Dagaalka ayaa hadda ka socda gudaha magaalada, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay weerar ku qaadeen degmada Bardaale oo ay ku sugnaayeen ciidanka Koonfur Galbeed.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka, kaas oo leh dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay shacabka ku dhaqan magaalada oo argagax wayn dareemay, maadaama lagu kor dagaalamayo.

Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday oo u abaabulan hab beeleed ayaa horay magaalada looga saaray, kadib dadaallo la sameyay, si loo soo afjaro colaadda ka taagan halkaasi.

Verified by MonsterInsights