Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Dagaal ka dhacay Gobolka Baay & faah faahin laga helayo

Dagaal ka dhacay Gobolka Baay & faah faahin laga helayo

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Xubno  ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen Saldhiga Ciidamada ay ku leeyihiin degmada Diiinsoor, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsday hubka noocyadiisa kala duwan.

Qaar kamid ah dadka ku nool degmada Diinsoor ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, balse aysan weli kala cadeyn karin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iaka difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana qasaaro xoogan ay gaarsiiyeen.

Dhowr jeer ayay Al-Shabaab weerareen degmada Diinsoor oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, halkaas oo dagaal xoogan uu ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada

shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabadii ugu...

Madaxweynaha Galmudug oo laga codsadey inuu soo gudbiyo liiska musharaxiinta.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor u diray Codsi la xiriira soorashada Aqalka Sare ee...

Dawlada somaliland oo ka hadashey dilkii G.kuminshanka doorashooyinka Gobola Sool.

Maamulka Gobolka Sool ee Somaliland ayaa ka hadlay Dil xalay gudaha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool loogu geystay Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Somaliland ee...

Twitter Feed