Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Dagaal ka dhacay Gobolka jubbada Hoose & khasaaro ka dhashay

Dagaal ka dhacay Gobolka jubbada Hoose & khasaaro ka dhashay

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Xubno kamid ah Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Afmadow oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada daraawiishta Jubbaland ku leeyihiin degmada Afmadow, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan saacad, kaas oo geystay khasaaro kala duwan.

Wararka dagaalka laga helay ayaa sheegaya in hal askari oo ka tirsan Ciidamada Jubaland uu ku dhintay mid kalena uu ku dhaawacmay, waxaana saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ay sheegen inay iska difaaceen weerarka Al-Shabaab.

Dadka ku nool degmada Afmadow qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in mararka qaar ay xaafadaha degmada kusoo dhaceen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isku adeegsanayeen labada dhinac, balse aan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka Shacabka ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, hayeeshee Ciidamada daraawiishta Jubbaland ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan duleedka degmadaas

RELATED ARTICLES

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Ciro oo Ka Hadlay Arrimaha Doorashooyinka

Maxamed Xasan Ciro oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa rajo fiican ka muujiyey in laga gudbay isjiid-jiidkii mudada soo taagnaa ee hir-gelinta doorashada, maadaama...

Xiisad Ka Dhalatey kursiga Aqalka Sare ee Galmudug Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray

Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka...

Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada

shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabadii ugu...

Twitter Feed