Monday, October 25, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Xulashada Dagaal ka dhacay Jubbada Hoose iyo khasaaro ka dhashay

Dagaal ka dhacay Jubbada Hoose iyo khasaaro ka dhashay

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen Gaadiid ay leeyihiin Ciidamada Jubballand oo marayay duleedka degmada Dhoobleey, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday ku dhowaad saacad.

Dadka degaanka ayaa waxaa ay ku warrameen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay  isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee aysan sirasmi ah u xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarka ayaa warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera waxaa lagu sheegay inay weerarkaasi kula wareegeen Gaari Cabdi Bille ah oo ay lahaayeen Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee Gobolka Jubbada Hoose weli wax faah faahin ah kama bixin, waxaana la sheegay in Ciidamada la weeraray oo ku wajahnaa degmada Dhoobleey ay socdaalkoodii iska sii wateen.

RELATED ARTICLES

Xukumada Somaliland oo dad horleh kasoo musaafurineysa degaanadeeda

Ciidamada Amaanka Ee Somaliland ayaa Saaka Magaaladda Ceerigaabo ka Bilaabay howlgal looga saarayo Magaalada dadka aan u dhalan Deegaankaasi ee ka soo jeeda Koonfurta...

faah faahin laga helayo Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

Dagaal  geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin duleedka Magaalada Kismaayo...

Facebook ayaa ku guuldareysatay inay hubiso hadalada nacaybka, wararka been abuurka ah ee Hindiya: Warbixin

Facebook-ga Hindiya wuxuu doorbiday inuu xakameeyo hadallada nacaybka, wararka khaldan iyo qoraallada kiciya-gaar ahaan waxyaabaha ka soo horjeeda Muslimiinta-sida ku cad dukumiintiyada la dusiyey...