Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Dagaal Khasaare Geeystay Oo Ka Dhacay Deegaan Katirsan Jubbada Hoose

Dagaal Khasaare Geeystay Oo Ka Dhacay Deegaan Katirsan Jubbada Hoose

Wararka aan ka heyno Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay Dagaal khasaare kala duwan geeystay uu ka dhacay deegaanka cabdalla biroole ee ka tirsan gobolka jubbada hoose

Dagaalkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo ciidamada kenya ay ku laahyeen deeganka cabdaala biroole iyadoona la sheegay in halkaasi uu ka dhaxmariy daagaal in muddo ah socday

Waxaana wararku ay sheegayaan in dagaalkaan uu  ka dhashay  khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac taasi oo aan ilaa iyo hada si rasmi ah loo cadeyn maadaama uu daagaalku dhacay xalay xili dambe

Al-shabaab oo warkasoo saaray dagaalkaan ayaa waxa ay sheegeen in khasaaro xoogleh ay ku gaarsiiyeen ciidamada kenya weerar xoogan oo ay xalay lanbeegsadeen fariisimaha ciidamada kenya ee deegaanka cabdala biroole

Majirto ilaa iyo hada wax war ka ah oo kasoo baxay taliska ciidamada amisom iyo dowladda kenya oo looga hadlayo dagaalkii xoogaan ee xalay ka dhacay deegaanka cabddala biroole kaasi oo lagu qaadan ciidanka iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashayba

Tani ayaa waxa ay kusoo aadeysaa xili maalmihii lasoo dhaafay ay sii kordhayaan weerrarada al-shabaab ay la beegsanayeen fariisimaha ciidamada kenya ee  jubboyinka

RELATED ARTICLES

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Ciro oo Ka Hadlay Arrimaha Doorashooyinka

Maxamed Xasan Ciro oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa rajo fiican ka muujiyey in laga gudbay isjiid-jiidkii mudada soo taagnaa ee hir-gelinta doorashada, maadaama...

Xiisad Ka Dhalatey kursiga Aqalka Sare ee Galmudug Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray

Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka...

Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada

shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabadii ugu...

Twitter Feed