Friday, September 17, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dagaal Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Deegaan Katirsan Jubbada Hoose

Dagaal Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Deegaan Katirsan Jubbada Hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal Khasaare kala duwan geystay oo ka Dhacay deegaanka hoostaga Degmada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose

Dagaalka ayaa waxa la sheegay in uu yimid kadib markii xubno Katirsan dagaalamasha Al-Shabaab ay  weerar xoogan ku qaadeen fariisimo Ciidamada Dowladda ay ku lahaayeen deegaanka barsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose

Al-Shabaab ayaa Guulo ka sheegtay dagaalkaani
Waxaana ay sheegeen in ay ku dileen Dagaalka ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda

Al-Shabaab warar ay dhinaca intarneetka ku baahiyaan Waxaa ay ku sheegteen in Dagaalkii ka dhacay deegaanka barsanguuni ay ku dileen 8 askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda
Waxaana ay intaasi kudareen in askartaasi ay dileen uu ku jiray sarkaal lagu magacaabo yuusuf aadan

Sidookale Al-Shabaab waxa ay sheegeen in dagaalkaan ay kusoo qabsadeen 5 Qori oo noocooduyahay AK47

Wali majiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amniga dowladda oo looga hadlayo dagaalkaan iyo qasaaraha ka dhashay

RELATED ARTICLES

Xukumada Somalia oo shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay Garoonka Jabuuti

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya sigaar ahna uga howlgalla Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha...

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaa ku guuldareystay inay ka soo laabtaan Tigray, UN ayaa sidaas sheegtay

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaan ka soo laaban gobolka Tigrey ee uu dagaalku ka dhacay ee Itoobiya, waayitaankooduna waa “caqabadda koowaad” si kor...

Hoggaamiyayaasha gobollada Soomaaliya ayaa ku boorriyay in la joojiyo loolanka awoodda

Hoggaamiyeyaasha gobollada Soomaaliya ayaa ka codsaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay soo afjaraan khilaafkooda waxyeellada leh, iyagoo ka digay khatarta ka dhalan karta xasillooni...

Twitter Feed